Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 43:11-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Oo isagu wuu iman doonaa oo wax buu dalka Masar ku dhufan doonaa, oo kuwii dhimasho ku waajibtay dhimashuu siin doonaa, kuwii maxaabiisnimo ku waajibtayna maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo kuwii seefu ku waajibtayna seef buu ku layn doonaa.

12. Oo waxaan dab ku dayn doonaa guryaha ilaahyada Masar, oo isna wuu gubi doonaa, oo maxaabiis ahaan buu u kaxaysan doonaa, oo isagu wuxuu dalka Masar u huwan doonaa sida adhijir uu dharkiisa u huwado oo kale, oo halkaasna nabad buu kaga bixi doonaa.

13. Oo weliba wuxuu wada burburin doonaa tiirarka Beytshemesh oo dalka Masar ku dhex taal, oo guryaha ilaahyada Masarna dab buu ku wada gubi doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 43