Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 39:4-14 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.

5. Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

6. Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.

7. Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.

8. Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

9. Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.

10. Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.

11. Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

12. Isaga kaxee, oo si wanaagsan u ilaali, oo innaba waxba ha yeelin, laakiinse waxaad u samaysaa wax alla wixii uu ku yidhaahdo.

13. Sidaas daraaddeed Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta iyo Nebuushasbaan, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag, iyo saraakiishii sare oo boqorka Baabuloon oo dhammuba

14. waxay u soo cid direen Yeremyaah, oo intay barxaddii waardiyayaasha ka soo bixiyeen ayay u dhiibeen Gedalyaah ina Ahiiqaam oo ahaa ina Shaafaan inuu gurigiisa u kaxeeyo, markaasuu dadka dhexdiisa joogay.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 39