Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 39:1-11 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

2. Boqor Sidqiyaah sannaddiisii kow iyo tobnaad, bisheedii afraad, maalinteedii sagaalaad ayaa meel magaalada ahayd la jebiyey,

3. markaas Yeruusaalem waa la qabtay oo amiirradii boqorka Baabuloon oo dhammu intay galeen ayay iriddii dhexe fadhiisteen, oo waxay ahaayeen Neergal Shareser, iyo Samgar Nebuu, iyo Sarsekiim, iyo Rab Saariis, iyo Neergal Shareser, iyo Rab Maag iyo intii kale ee saraakiishii boqorka Baabuloon oo dhan.

4. Oo Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah iyo raggii dagaalka oo dhammuba markay iyagii arkeen ayay carareen, oo waxay goor habeennimo ah magaaladii kaga bexeen jidkii beerta boqorka ee u dhowaa iriddii labada derbi u dhaxaysay, oo isna wuxuu maray jidkii Caraabaah.

5. Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa iyagii eryaday, oo waxay Sidqiyaah ku gaadheen bannaannadii Yerixoo, oo markay qabsadeen ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon ugu geeyeen Riblaah oo ku tiil dalka Xamaad, wuuna xukumay.

6. Markaasaa boqorkii Baabuloon Sidqiyaah wiilashiisii Riblaah ku laayay aabbahood oo arkaya, oo weliba boqorkii Baabuloon wuxuu kaloo laayay kuwii gobta ahaa ee dalka Yahuudah oo dhan.

7. Oo weliba Sidqiyaahna indhihii buu ka riday, oo silsilado ku xidhxidhay si uu Baabuloon ugu kaxaysto.

8. Markaasay reer Kaldayiin dab ku gubeen gurigii boqorka iyo guryihii dadkaba, oo derbiyadii Yeruusaalemna way wada dumiyeen.

9. Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.

10. Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.

11. Haddaba Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon wuxuu Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta siiyey amar ku saabsan Yeremyaah, oo wuxuu isagii ku yidhi,

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 39