Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 28:1-10 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo isla sannaddaasba, bilowgii boqornimadii Sidqiyaah uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah, sannaddii afraad bisheedii shanaad ayaa Xananyaah ina Casuur oo ahaa nebigii Gibecoon ka yimid igula hadlay guriga Rabbiga dhexdiisa iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii oo dhammu, oo wuxuu igu yidhi,

2. Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Anigu harqoodkii boqorka Baabuloon waan jebiyey.

3. Intaanay laba sannadood dhammaan ayaan halkan ku soo celin doonaa weelashii guriga Rabbiga oo uu Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon halkan ka qaatay, oo uu Baabuloon la tegey.

4. Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan halkan ku soo celin doonaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo maxaabiistii dadka Yahuudah ee Baabuloon lala tegey oo dhan, waayo, harqoodka boqorka Baabuloon waan jebin doonaa.

5. Markaas Nebi Yeremyaah baa la hadlay Nebi Xananyaah iyadoo ay wada joogaan wadaaddadii iyo dadkii guriga Rabbiga dhex taagnaa oo dhammu.

6. Oo Nebi Yeremyaah wuxuu yidhi, Aamiin, Rabbigu saas ha yeelo. Rabbigu ha wada sameeyo erayadii aad sii sheegtay oo weelashii guriga Rabbiga ha soo celiyo, oo kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan Baabuloon ha ka soo celiyo oo meeshan ha keeno.

7. Hase ahaatee bal adigu haatan maqal eraygan aan kula hadlayo dhegahaaga iyo dhegaha dadkan oo dhan.

8. Nebiyadii waayihii hore oo aniga iyo adigaba inaga sii horreeyey waxay waddammo badan iyo boqortooyooyin waaweyn wax kaga sii sheegeen dagaal iyo masiibo iyo belaayo.

9. Nebigii nabad wax ka sii sheega, oo uu eraygii nebigaasu run noqdo, markaas nebigaas waxaa loo aqoonsadaa in Rabbigu isaga dhab ahaan u soo diray.

10. Kolkaasaa Nebi Xananyaah harqoodkii qoortii Nebi Yeremyaah ka qaaday oo uu kala jebiyey.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 28