Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 25:4-24 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan.

5. Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey.

6. Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo.

7. Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.

8. Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Erayadaydii waad dhegaysan weydeen, oo sidaas daraaddeed, Rabbigu wuxuu leeyahay,

9. Bal ogaada, waxaan soo diri doonaa qolooyinka reer woqooyi oo dhan, iyo addoonkayga ah Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon, oo iyagaan ku soo kicin doonaa dalkan, iyo dadka deggan, iyo quruumaha ku wareegsan oo dhan, oo kulligoodna waan wada baabbi'in doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa wax laga yaabo oo loogu foodhyo, iyo cidla weligeed ah.

10. Oo weliba waxaan iyaga ka baabbi'in doonaa codka rayraynta, iyo codka farxadda, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo sanqadha dhagaxshiidka, iyo iftiinka laambadda.

11. Oo dalkan oo dhammuna wuxuu noqon doonaa cidla iyo wax laga yaabo, oo quruumahanuna toddobaatan sannadood ayay boqorka Baabuloon u adeegi doonaan.

12. Oo markay toddobaatanka sannadood dhammaadaan ayaan xumaantooda aawadeed u ciqaabi doonaa boqorka Baabuloon iyo quruuntaas, iyo dalka reer Kaldayiinba, oo waxaan ka dhigi doonaa meelo weligoodba cidla ah.

13. Oo waxaan dalkaas ku soo dayn doonaa erayadaydii aan kaga hadlay oo dhan, kuwaasoo ah waxa kitaabkan ku qoran oo dhan, oo ah wixii Yeremyaah quruumaha oo dhan ka sii sheegay.

14. Waayo, iyagaba waxaa addoonsan doona quruumo badan iyo boqorro waaweyn, oo waxaan iyaga u abaalmarin doonaa siday falimahoodu ahaayeen, iyo siday shuqullada gacmahoodu ahaayeen.

15. Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu igu leeyahay, Cadhadan koobkeeda khamriga gacantayda ka qaad, oo waxaad wada cabsiisaa quruumaha aan kuu dirayo oo dhan.

16. Oo iyana way cabbi doonaan, oo way iska dhacdhici doonaan, wayna la waalan doonaan seefta aan dhexdooda u soo dirayo daraaddeed.

17. Markaasaan koobkii gacantii Rabbiga ka qaaday, oo waxaan cabsiiyey quruumihii Rabbigu ii diray oo dhan, kuwaas oo ahaa

18. Yeruusaalem, iyo magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo boqorradooda, iyo amiirradooda, si aan iyaga uga dhigo cidla, iyo wax laga yaabo oo lagu foodhyo, iyo inkaar, siday maantaba tahay,

19. iyo Fircoon oo ah boqorka Masar, iyo addoommadiisa, iyo amiirradiisa, iyo dadkiisa oo dhan,

20. iyo dadka isku qasan oo dhan, iyo boqorrada dalka Cuus oo dhan, iyo boqorrada dalka reer Falastiin oo dhan, iyo Ashqeloon, iyo Gaasa, iyo Ceqroon, iyo kuwa Ashdood ka hadhay,

21. iyo Edom, iyo Moo'aab, iyo reer Cammoon,

22. iyo boqorrada Turos oo dhan, iyo boqorrada Siidoon oo dhan, iyo boqorrada gasiiradaha badda ka shisheeya,

23. iyo Dedaan, iyo Teemaa, iyo Buus, iyo inta timaha dhinacyada ka jarata oo dhan,

24. iyo boqorrada Carabiya oo dhan, iyo boqorrada dadka isku qasan oo lamadegaanka dhex deggan oo dhan,

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 25