Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 23:6-20 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo wakhtigiisa dadka Yahuudah way badbaadi doonaan, oo dadka Israa'iilna ammaan bay ku degganaan doonaan, oo magiciisa lagu magacaabi doonona waa Rabbiga Xaqnimadayada ah.

7. Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa soo socda wakhti aan mar dambe la odhan doonin, Waxaa nool Rabbigii reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bixiyey.

8. Laakiinse waxaa la odhan doonaa, Waxaa nool Rabbigii farcankii reer binu Israa'iil ka soo bixiyey oo ka soo hor kacay dalkii woqooyi, iyo dalalkii uu u kexeeyey oo dhan, oo iyana waxay degganaan doonaan dalkooda.

9. Qalbigaygii uurkayguu ku qarracmay waana nebiyada daraaddood, lafahayga oo dhammu way wada ruxmadaan, oo waxaan la mid ahay nin sakhraan ah oo khamri ka adkaaday, waana Rabbiga iyo erayadiisa quduuska ah daraaddood.

10. Dalka waxaa ka buuxa dhillayo, oo habaar daraaddiis ayaa dalkii la barooranayaa. Daaqsimihii duurku way wada engegeen. Socodkoodu waa shar oo xooggooduna ma qummana.

11. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Nebigii iyo wadaadkiiba nijaas bay wada yihiin, oo gurigayga ayaan xumaantoodii ka helay.

12. Sidaas daraaddeed jidkoodu wuxuu u noqon doonaa sida meelo sibiibix ah oo gudcur ku dhex yaal. Iyaga waa lagu sii kaxayn doonaa oo halkaasay ku dhici doonaan, waayo, sannadda ciqaabiddooda masiibo baan ku soo dayn doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

13. Oo nebiyada Samaariyana nacasnimaan ku arkay. Waxay wax ku sii sheegeen Bacal magiciisa, oo dadkaygii reer binu Israa'iilna way qaldeen.

14. Oo nebiyadii Yeruusaalemna wax aad iyo aad u xun, baan ku arkay. Way sinaystaan, oo been bay ku socdaan, oo weliba waxay sii xoogeeyaan gacmaha xumaanfalayaasha, si aan midnaba xumaantiisa uga soo noqon. Iyagu kulligood waxay iila mid noqdeen sidii Sodom, oo kuwii degganaana sidii Gomora oo kale.

15. Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammadu wuxuu nebiyada ka leeyahay, Bal ogaada, waxaan iyaga ku quudin doonaa dacar, oo waxaan cabsiin doonaa biyo xammeetiyeed, waayo, nijaas baa nebiyada Yeruusaalem ka soo faaftay oo waxay wada gaadhay dalka oo dhan.

16. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Nebiyada wax idiin sii sheega hadalkooda ha maqlina, waayo, wax aan waxba ahayn way idin baraan, oo waxay ku hadlaan riyo qalbigooda ka timid oo aan afka Rabbiga ka soo bixin.

17. Oo waxay had iyo goorba kuwa i quudhsada ku yidhaahdaan, Rabbigu wuxuu yidhi, Nabad baad helaysaan. Oo waxay mid kasta oo caasinimada qalbigiisa daba galana ku yidhaahdaan, Wax masiibo ahu innaba kugu dhici maayaan.

18. Waayo, bal yaa guddiga Rabbiga dhex istaagay inuu garto oo maqlo eraygiisa? Yaase eraygiisa dhegta u dhigay oo soo maqlay?

19. Bal eega, duufaankii Rabbiga ayaa soo baxay, kaasoo ah cadhadiis, waana dabayl cirwareen ah, oo waxay ku dhici doontaa madaxa sharrowyada.

20. Rabbiga xanaaqiisu dib u noqon maayo jeeruu sameeyo oo wada oofiyo qasdiga qalbigiisa, oo ugudambaystana aad baad u garan doontaan.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 23