Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yeremyaah 16:1-9 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid oo wuxuu igu yidhi,

2. Naag ha guursan, oo wiilal iyo gabdho toona meeshan ha ku yeelan.

3. Waayo, Rabbigu wuxuu ka leeyahay wiilasha iyo gabdhaha meeshan ku dhalan doona, iyo hooyooyinka iyaga dhali doona, iyo aabbayaasha iyaga dalkan ku dhex dhali doonaba,

4. Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.

5. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Gurigii tacsiyu taal ha gelin, iyaga ha u barooran, hana u tacsiyayn, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan nabaddaydii waan ka fogeeyey iyo xataa raxmad iyo naxariisba.

6. Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.

7. Oo ciduna iyaga uma jejebin doonto kibistii axanka inay uga tacsiyeeyaan kii dhintay, oo ciduna iyaga ma siin doonto koobkii tacsida inay aabbahood ama hooyadood u cabbaan.

8. Oo weliba waa inaadan innaba u gelin gurigii diyaafadu taal inaad iyaga la fadhiisatid oo aad wax la cuntid, waxna la cabtid.

9. Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.

akhri dhamaystiran cutubka Yeremyaah 16