Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 5:4-12 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed.

5. Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin.

6. Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

7. Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin.

8. Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen.

9. Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal.

10. Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda.

11. Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda.

12. Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 5