Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 5:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.

2. Oo markaasuu Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waxaad samaysaa mindiyo dhagax adag ah, oo reer binu Israa'iil haddana ku gud mar labaad.

3. Markaasaa Yashuuca wuxuu samaystay mindiyo dhagax adag ah, oo wuxuu reer binu Israa'iil ku guday meel la yidhi Buurta Buuryada.

4. Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed.

5. Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin.

6. Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.

7. Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin.

8. Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 5