Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 18:17-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. oo waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen;

18. oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;

19. oo soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed.

20. Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.

21. Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,

22. iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,

23. iyo Cawiim, iyo Faaraah, iyo Cofraah,

24. iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,

25. iyo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod,

26. iyo Misfaah, iyo Kefiiraah, iyo Mosaah,

27. iyo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah,

28. iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 18