Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 17:1-13 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo intanuna waxay ahayd qaybtii qabiilka reer Manaseh, waayo, isagu wuxuu ahaa curadkii Yuusuf. Maakiir oo ahaa curadkii Manaseh oo aabbe u ahaa Gilecaad, wuxuu helay Gilecaad iyo Baashaan, maxaa yeelay, isagu wuxuu ahaa dagaalyahan.

2. Oo reer Manaseh iyo reerahoodii intii hadhay iyana qayb bay heleen; kuwaas oo ahaa reer Abiiceser, iyo reer Xeeleq, iyo reer Asrii'eel, iyo reer Shekem, iyo reer Heefer, iyo reer Shemiidaac; intaasu waxay ahaayeen ilmihii labka ahaa ee Manaseh ina Yuusuf sidii reerahoodii ahaayeen.

3. Laakiinse Seloofexaad ina Heefer, ina Gilecaad, ina Maakiir, ina Manaseh wiilal ma uu lahayn gabdho mooyaane, oo magacyadii gabdhihiisu waa kuwan: Maxlaah, Nocaah, Xoglaah, Milkaah, iyo Tirsaah.

4. Oo waxay u dhowaadeen wadaadkii la odhan jiray Elecaasaar, iyo Yashuuca ina Nuun, iyo amiirradii, oo waxay ku yidhaahdeen, Rabbigu wuxuu Muuse ku amray inuu walaalahayo dhexdooda dhaxal naga siiyo. Oo sidaas daraaddeed amarkii Rabbiga aawadiis ayuu Yashuuca dhaxal ku siiyey walaalihii aabbahood dhexdooda.

5. Oo reer Manaseh waxaa ku soo hagaagay toban meelood oo aan ahayn dalkii Gilecaad iyo Baashaan oo Webi Urdun ka shishaysa;

6. maxaa yeelay, gabdhihii Manaseh waxay dhaxal ka dhex heleen wiilashiisii; oo dalkii Gilecaadna waxaa lahaa wiilashii Manaseh intoodii hadhay.

7. Oo soohdintii reer Manasehna waxay ahayd ilaa Aasheer iyo tan iyo Mikmetaah, taasoo ku hor taal Shekem, oo soohdintu waxay ka baxday xagga midigta, iyo ilaa dadkii degganaa Ceyn Tafuu'ax.

8. Oo dalkii Tafuu'axna waxaa iska lahaa reer Manaseh; laakiinse Tafuu'ax tii ku tiil soohdinta waxaa iska lahaa reer Efrayim.

9. Oo soohdintu waxay u baxday durdurkii Qaanaah, oo durdurka xagga koonfureed ka ahaa. Magaalooyinkaas ku dhex yiil magaalooyinkii reer Manaseh waxaa lahaa reer Efrayim. Soohdintii Efrayimna waxay ahayd durdurka xaggiisa woqooyi, oo waxaa soohdintii dhammaadkeedu ahaa badda.

10. Dhanka koonfureed waxaa lahaa reer Efrayim, dhanka woqooyina waxaa lahaa reer Manaseh, oo badduna waxay ahayd soohdintiisa, oo waxay gaadheen ilaa reer Aasheer oo woqooyi jira, iyo tan iyo reer Isaakaar oo ku yaal xagga bari.

11. Oo reer Manaseh waxay reer Isaakaar iyo reer Aasheer ku dhex lahaayeen Beytshe'aan, iyo magaalooyinkeedii oo dhan, iyo Yiblecaam iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Ceyn Door iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Tacanaag, iyo magaalooyinkeedii, iyo dadkii degganaa Megiddoo iyo magaalooyinkeedii, iyo xataa saddexdii meelood ee dhaadheerayd.

12. Laakiin reer Manaseh ma ay eryi karin dadkii degganaa magaalooyinkaas; reer Kancaanse waxay doonayeen inay dalkaas sii degganaadaan.

13. Oo markii reer binu Israa'iil aad u xoogaysteen ayay hawl saareen reer Kancaan, oo ma ay wada eryin.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 17