Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 15:1-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa.

2. Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda,

3. oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa;

4. oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed.

5. Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado;

6. oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen;

7. oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda;

8. oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 15