Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Yashuuca 11:20-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Waayo, xagga Rabbiga ayay ka timid inuu qalbigooda adkeeyo, si ay dagaal ugu soo baxaan reer binu Israa'iil, oo uu dhammaantood u baabbi'iyo, oo aanay waxba inna raallinimo ka helin, laakiinse uu u wada baabbi'iyo sidii Rabbigu Muuse ku amray.

21. Oo markaasaa Yashuuca yimid, oo wuxuu reer Canaaq ka tiray dalkii buuraha lahaa, kaas oo ahaa Xebroon, iyo Debiir, iyo Canaab, iyo xaggii dalkii reer Yahuudah oo buuraha lahaa oo dhan, iyo dalkii reer binu Israa'iil oo buuraha lahaa oo dhan; oo Yashuuca dhammaan iyagii iyo magaalooyinkoodiiba wuu wada baabbi'iyey.

22. Oo dalkii reer binu Israa'iil mid reer Canaaq ahu kuma hadhin, laakiinse waxaa wuxoogaa ku hadhay Gaasa, iyo Gad, iyo Ashdood oo keliya.

23. Sidaasuu Yashuuca u wada qabsaday dalkii oo dhan, oo wuxuu wada yeelay sidii Rabbigu kula hadlay Muuse; oo Yashuuca wuxuu dalkii dhaxal u siiyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu ugu qaybiyey sidii qabiilooyinkoodu ahaayeen. Oo dalkiina dagaal wuu ka nastay.

akhri dhamaystiran cutubka Yashuuca 11