Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 9:46-55 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

46. Oo dadkii ku jiray munaaraddii Shekem markay taas maqleen, ayay galeen qalcaddii ku tiil gurigii ilaahooda Beriid la odhan jiray.

47. Markaasaa Abiimeleg waxaa loo sheegay in dadkii ku jiray munaaraddii Shekem oo dhammu ay isku urursan yihiin.

48. Markaasaa Abiimeleg wuxuu fuulay Buur Salmoon, isagii iyo dadkii la jiray oo dhammuba; kolkaasaa Abiimeleg wuxuu gacanta ku qabsaday faas, oo wuxuu dhirtii ka soo jaray laan, oo intuu kor u qaatay ayuu garbaha soo saaray, oo dadkii la jirayna wuxuu ku yidhi, Dhaqsada, oo wixii aad igu aragteen anoo samaynaya u sameeya sidii aan u sameeyey.

49. Markaasaa dadkii nin waluba wuxuu soo jaray laantiisii, oo waxay soo raaceen Abiimeleg, oo intay laamihii qalcaddii ku ag tuuleen ayay haddana dab sudheen, oo sidaasay dadkii munaaraddii Shekem joogay oo dhammu u wada le'deen; oo waxay ahaayeen in ku dhow kun qof oo rag iyo dumarba leh.

50. Oo haddana Abiimeleg wuxuu tegey Teebees, oo wuxuu degay meel ka soo hor jeedda, markaasuu qabsaday.

51. Laakiinse magaalada waxaa ku dhex tiil munaarad xoog badan. Markaasay halkaas ku carareen rag iyo dumarba, iyo kulli wixii magaalada joogay oo dhan, oo intay isku soo xidheen ayay kor u fuuleen munaaradda saqafkeedii.

52. Markaasaa Abiimeleg munaaraddii yimid, wuuna la diriray, oo wuxuu u dhowaaday iridda munaaradda inuu dab ku gubo.

53. Naag baa kor dhagaxshiid kaga soo tuurtay Abiimeleg madaxiisii, oo burburisay dhakadiisii.

54. Markaasuu haddiiba u yeedhay ninkii dhallinyarada ahaa, oo hubka u siday, oo wuxuu ku yidhi, War dadku yaanu i odhan, Naag baa dishaye, seeftaada la soo bax oo i dil. Markaasaa ninkiisii dhallinyarada ahaa seef ka mudhbixiyey, kolkaasuu dhintay.

55. Dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inuu Abiimeleg dhintay ayaa nin waluba meeshiisii tegey.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 9