Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 5:8-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. Waxay doorteen ilaahyo cusub; Oo markaasaa dagaal irdaha ka dhacay. Afartan kun oo reer binu Israa'iil Ma lagu arkay gaashaan ama waran?

9. Qalbigaygu wuxuu la jiraa taliyayaasha reer binu Israa'iil, Kuwaasoo iyagoo oggol isku bixiyey dadka dhexdiisa. Rabbiga ammaana.

10. Bal taas ka warama kuwiinna dameerraha cadcad fuushan, Iyo kuwiinna ku fadhiya gogosha wanaagsan, Iyo kuwiinna jidka marow.

11. Meelaha biyaha laga dhaansado, oo ka fog qaylada qaansoleyda, Halkaasay ka maqashiin doonaan falimihii Rabbiga oo xaqa ahaa, Kuwaas oo ahaa falimihii xaqa ahaa oo uu ku xukumay reer binu Israa'iil. Taas ka dibna dadkii Rabbigu waxay tageen xagga irdaha.

12. Toos, toos, Debooraahoy; Toos, toos, oo gabay ku gabay; Baaraaqow, kac, oo kaxayso maxaabiistaada, ina Abiinocamow.

13. Markaasay raggii gobta ahaa intiisii hadhay iyo dadkii soo degeen; Rabbigu waa ii yimid oo wuxuu iiga hiiliyey kuwii xoogga badnaa.

14. Reer Efrayim waxaa ka soo baxay kuwo xididkoodii yahay Camaaleq; Dabadeedna, adiga reer Benyaamiinow, iyo dadkaaga kugu dhex jira, Oo reer Maakiirna waxaa ka soo baxay taliyayaal, Reer Sebulunna waxaa ka yimid kuwo haya usha sirkaalka wax qora.

15. Oo amiirradii reer Isaakaarna waxay la jireen Debooraah; Oo sidii reer Isaakaar ahaa ayaa Baaraaqna ahaa; Oo xagga dooxada ayay u ordeen iyagoo daba socda. Oo biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Wax weyn baa lagu goostay.

16. Maxaad xeryaha idaha u fadhiday, Inaad maqasho biilbiilaha idaha u yeedhaya? Biyo mareenka reer Ruubeen agtiisa Aad baa qalbiyo loogu baadhay.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 5