Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 5:23-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo malaa'igtii Rabbigu waxay tidhi, Meeroos habaara, Oo aad u habaara dadka deggan, Maxaa yeelay, uma ay iman inay Rabbiga caawiyaan Oo ay uga hiiliyaan kuwa xoogga badan.

24. Waxaa dumarka oo dhan ka barako badnaan doonta Yaaceel Oo ah Heberkii reer Qeyn naagtiisa, Way ka barako badnaan doontaa naagaha teendhooyinka deggan.

25. Biyuu weyddiistay, oo waxay siisay caano; Oo saxan wanaagsan ayay subag ugu keentay.

26. Oo waxay gacan ku qabsatay dhidibkii, Oo gacanteedii midigna dubbihii ragga shaqeeya; Oo waxay dubbihii ku dhufatay Siiseraa, oo dhidibkii madaxiisay ka dusisay, Haah, waxay ku mudday oo ka mudhbixisay dhafoorradiisa.

27. Oo cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay oo jiifsaday: Cagaheeda agtooda ayuu ku foororsaday oo dhacay: Oo meeshuu ku foororsaday ayuu ku dhacay isagoo meyd ah.

28. Siiseraa hooyadiis daaqadday wax ka eegtay oo qaylisay, Shabaggay ka qaylisay oo tidhi, Maxaa gaadhifaraskiisii u raagay? Oo maxaa dib u riday giringirihii gaadhifardoodkiisa?

29. Dumarkeedii caqliga lahaa way jawaabeen, Oo iyana way isu jawaabtay.

30. Oo waxay tidhi, Miyaanay wax helin oo boolidii qaybsan? Oo nin kastaaba miyaanu helin gabadh ama laba gabdhood; Oo Siiseraana sow ma helin dhar booli ah oo kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah, Oo miyaanu helin daabac kala midab ah oo labada dhan ku yaal, oo boolida qoortooda sudhan?

31. Rabbiyow, cadaawayaashaada oo dhammu sidaas ha u halligmeen; Laakiinse kuwa Rabbiga jecel oo dhammu ha noqdeen sida qorraxda markay xooggeeda la soo baxdo. Oo dalkiina afartan sannadood wuu xasilloonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 5