Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 20:13-21 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

13. Haddaba sidaas daraaddeed nimanka xunxun ee Gibecaah jooga noo soo bixiya, aannu dilnee, oo aannu reer binu Israa'iil sharka ka dhex fogaynee. Laakiinse reer Benyaamiin ma ay doonaynin inay dhegaystaan codkii reer binu Israa'iil oo walaalahood ahaa.

14. Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

15. Oo maalintaas waa la tiriyey reer Benyaamiinkii magaalooyinka ka baxay, oo waxay noqdeen lix iyo labaatan kun oo seefqaad ah, iyo weliba kuwii Gibecaah degganaa oo tiradoodii ahayd toddoba boqol oo nin oo la soo xulay.

16. Oo dadkaas oo dhanna waxaa ka mid ahaa toddoba boqol oo nin oo la soo xulay oo wada gurran, oo mid waluba ka dhaadhacay wadhafka tuuristiisa oo xataa uusan la waayayn tin.

17. Oo raggii reer binu Israa'iil oo reer Benyaamiin aanay ku jirinna tiradoodii waxay ahayd afar boqol oo kun oo nin oo wada seefqaad ah; oo kulligoodna waxay ahaayeen rag dagaalgal ah.

18. Markaasay reer binu Israa'iil kaceen, oo waxay tageen Beytel, oo Ilaah bay talo weyddiisteen. Oo waxay yidhaahdeen, Yaa reer Benyaamiin marka hore noogu duulaya? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Reer Yahuudah ha u horreeyeen.

19. Subaxdii dambe ayay reer binu Israa'iil kaceen, oo ag degeen Gibecaah.

20. Oo raggii reer binu Israa'iil waxay u soo baxeen inay reer Benyaamiin ku duulaan; oo reer binu Israa'iilna Gibecaah bay isugu diyaariyeen inay reer Benyaamiin la dagaallamaan.

21. Markaasay reer Benyaamiin ka soo baxeen Gibecaah, oo baabbi'iyeen reer binu Israa'iil, oo maalintaas waxay ka laayeen laba iyo labaatan kun oo nin.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 20