Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Xaakinnada 1:6-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Laakiinse Adonii Beseq waa cararay, oo iyana way eryoodeen, wayna qabteen isagii, oo waxay ka gooyeen suulashiisii gacmaha iyo kuwiisii lugaha.

7. Markaasaa Adonii Beseq wuxuu yidhi, Toddobaatan boqor oo suulashoodii gacmaha iyo kuwoodii lugahu ka go'an yihiin ayaa cuntadooda ka urursan jiray miiskayga hoostiisa; oo sidii aan yeelay ayaa Rabbigu ii abaalmariyey. Markaasay isagii keeneen Yeruusaalem, oo halkaasuu ku dhintay.

8. Oo Reer Yahuudah waxay la dirireen reer Yeruusaalem, oo intay magaaladii qabsadeen ayay dadkeedii ku laayeen seef, magaaladiina dab bay qabadsiiyeen.

9. Oo dabadeedna reer Yahuudah waxay u kaceen inay la diriraan reer Kancaankii degganaa dalkii buuraha lahaa, iyo kuwii xagga koonfureed, iyo kuwii degganaa dalkii dooxada ahaa.

10. Oo reer Yahuudah waxay ku duuleen dadkii reer Kancaan oo degganaa Xebroon, (oo waagii hore Xebroon magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Arbac), oo waxay laayeen Sheeshay iyo Axiiman iyo Talmay.

11. Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).

12. Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.

13. Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.

14. Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?

15. Markaasay ku tidhi, Ii ducee, oo waxaad i siisaa ilo biyo ah, maxaa yeelay, waxaad i siisay dalkii koonfureed. Kolkaasaa Kaaleeb wuxuu siiyey ilihii sare iyo kuwii hooseba.

akhri dhamaystiran cutubka Xaakinnada 1