Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Wacdiyahii 11:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Kibistaada biyaha korkooda ku tuur, waayo, maalmo badan dabadood waad heli doontaa.

2. Oo toddoba qaybood u kala qaybi iyo weliba siddeed, waayo, masiibada dhulka iman doonta garan maysid.

3. Haddii daruuruhu roob ka buuxsamaan, dhulkay ku soo daataan, oo haddii geed xagga koonfureed amase xagga woqooyi u dhaco, meeshuu u dhacay ayuu oolli doonaa.

4. Kii dabaysha eegaa waxba ma uu beeran doono, oo kii daruuraha fiiriyaana waxba ma goosan doono.

5. Sida aadan dabaysha jidkeeda u garanayn, ama aadan sida lafuhu ugu dhex samaysmaan naag uur leh maxalkeed u garanayn, saas oo kale ayaadan shuqulka Ilaaha wax walba sameeya u garanayn.

akhri dhamaystiran cutubka Wacdiyahii 11