Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 6:20-27 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

20. Oo wadaadku waa inuu ruxruxaa iyaga inay ahaadaan qurbaan lagu ruxruxo Rabbiga hortiisa. Intaasu waa u quduus wadaadka oo sakaarka la ruxruxo iyo bowdada sare loo qaadona way raacaan, oo markaas dabadeed Nadiirku khamri wuu cabbi karaa.

21. Kaasu waa sharciga Nadiirkii nidar gala, iyo qurbaankiisa uu Rabbiga ugu bixiyo isa-soociddiisa, iyo weliba wixii uu isagu heli karo; oo isagu siduu nidarkiisa u nidray waa inuu u sameeyaa, sidii sharciga isa-soociddiisa.

22. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

23. Haaruun iyo wiilashiisa la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Idinku waa inaad sidan reer binu Israa'iil ugu ducaysaan, oo waxaad midkood kasta ku tidhaahdaan,

24. Rabbigu ha ku barakeeyo, oo ha ku dhawro.

25. Rabbigu wejigiisa ha kugu iftiimiyo, oo ha kuu roonaado.

26. Rabbigu jaahiisa kor ha kuugu qaado, oo nabadna ha ku siiyo.

27. Oo sidaas waa inay magacayga u saaraan reer binu Israa'iil, oo anna iyaga waan barakayn doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 6