Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 4:15-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

15. Oo Haaruun iyo wiilashiisu markay dhammeeyaan inay dedaan meesha quduuska ah iyo alaabta meesha quduuska ah oo dhan, oo ay dadkii xeradu guurayaan, reer Qohaad ha yimaadeen oo ha qaadeen; laakiinse iyagu waa inaanay taaban waxyaalaha quduuska ah si aanay u dhiman. Waxyaalahaasu waa waxa teendhada shirka ku jira oo ay tahay in reer Qohaad qaadaan.

16. Oo wadaadka Haaruun ah wiilkiisa Elecaasaar ahuna waa inuu u taliyaa saliidda laambadda, iyo fooxa udgoon, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo saliidda lagu subkado, iyo shuqulka taambuugga oo dhan, iyo waxa ku jira oo dhan, kuwaasoo ah meesha quduuska ah iyo alaabteedaba.

17. Markaasaa Rabbigu la hadlay Muuse iyo Haaruun oo wuxuu ku yidhi,

18. Reer Qohaad qolooyinkooda ha ka gooynina reer Laawi dhexdooda,

19. laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

20. laakiinse iyagu waa inaanay xataa daqiiqad u gelin inay waxyaalaha quduuska ah arkaan, yaanay dhimane.

21. Oo haddana Rabbigu Muusuu la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

22. Reer Gershoonna qolo qolo iyo reer reer u soo tiri.

23. Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, kulli inta hawsha gasha si ay shuqulka teendhada shirka u sameeyaan.

24. Tanu waa hawshii qolooyinka reer Gershoon oo ah adeegidda iyo waxqaadkaba.

25. Iyagu waa inay qaadaan daahyada taambuugga, iyo teendhada shirka, iyo dedkeeda, iyo dedka ah haragga adhidibadeedka oo kor saaran, iyo ilxidhka iridda teendhada shirka,

26. iyo daahyada barxadda, iyo ilxidhka iridda barxadda ku ag taal taambuugga iyo meesha allabariga ee ku wareegsan, iyo xadhkahooda, iyo alaabta hawshooda oo dhan, oo wax alla wixii iyaga lagu sameeyo oo dhan, xaggooda waa inay kaga adeegaan.

27. Oo reer Gershoon waa inay amarka Haaruun iyo wiilashiisa ku qabtaan waxa ay qaadaan iyo shuqulka ay qabtaan oo dhan; oo idinku waa inaad ku amartaan waxay qaadayaan.

28. Oo tanuna waa qolooyinka reer Gershoon hawshooda ku saabsan teendhada shirka; oo shuqulkooduna waa inuu ka hooseeyaa gacanta Iitaamaar ina Haaruun ee wadaadka ah.

29. Oo reer Meraariina waa inaad qolo qolo iyo reer reer u soo tirisaa.

30. Intii soddon sannadood jirta iyo intii ka sii weyn ilaa tan iyo konton jirka waa inaad soo tirisaa, mid kasta oo hawsha gala si uu shuqulka teendhada shirka u sameeyo.

31. Oo tanuna waa hawsha ay teendhada shirka ku leeyihiin ee ah waxa loo amray inay qaadaan: looxyada taambuugga, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 4