Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 35:2-16 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.

3. Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan.

4. Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah.

5. Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.

6. Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.

7. Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.

8. Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.

9. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

10. Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,

11. waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.

12. Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.

13. Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.

14. Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.

15. Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.

16. Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 35