Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 3:23-43 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

23. Oo reer Gershoon qolooyinkoodii waa inay taambuugga dabadiisa xagga galbeedka teendhooyinkooda ka dhistaan.

24. Oo amiirka reer Gershoonna waa inuu ahaadaa Eliyaasaaf ina Laa'eel.

25. Oo reer Gershoonna waa inay teendhada shirka ugu taliyaan taambuuga, iyo Teendhada, iyo dedkeeda, iyo daaha iridda teendhada shirka,

26. iyo barxadda daahyadeeda, iyo daaha iridda barxadda oo taambuugga iyo meesha allabariga ku wareegsan iyo xadhkihii hawsha lagu qabto oo dhan.

27. Oo Qohaadna waxaa ka soo farcamay reer Camraam, iyo reer Isehaar, iyo reer Xebroon, iyo reer Cusii'eel; kuwaasu waa qolooyinkii reer Qohaad.

28. Siday ahayd tiradii kuwii lab ahaa oo dhan intii bil jirtay ama ka sii weynayd waxay ahaayeen siddeed kun iyo lix boqol, oo waxay u taliyeen meesha quduuska ah.

29. Oo qolooyinka reer Qohaad waa inay taambuugga dhankiisa koonfureed teendhooyinkooda ka dhistaan.

30. Oo amiirka reer Qohaadna waa inuu ahaadaa Eliisaafaan ina Cusii'eel.

31. Oo iyana waxay u talin doonaan sanduuqa, iyo miiska, iyo laambadda, iyo meelaha allabariga, iyo weelasha meesha quduuska ah oo ay ku adeegaan, iyo daaha, iyo hawsha oo dhan.

32. Oo Elecaasaar ina wadaadka Haaruun waa inuu ahaadaa amiirka amiirrada reer Laawi, oo wuxuu korka ka ilaalin doonaa kuwa u taliya meesha quduuska ah.

33. Oo Meraariina waxaa ka soo farcamay reer Maxlii iyo reer Mushii, kuwaasu waa qolooyinkii reer Meraarii.

34. Oo kuwoodii loo tiriyey siday ahayd tiradii kuwii labka ahaa oo dhan, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, waxay ahaayeen lix kun iyo laba boqol.

35. Oo qabiilka reer Meraarii amiirkoodii wuxuu ahaa Surii'eel ina Abiixayil, oo iyana waa inay taambuugga dhankiisa woqooyi teendhooyinkooda ka dhistaan.

36. Oo reer Meraarii waxaa loo amray inay u taliyaan taambuugga looxyadiisa, iyo ulihiisa gudban, iyo tiirarkiisa, iyo saldhigyadiisa, iyo alaabtiisa oo dhan, iyo hawshiisa oo dhan,

37. iyo tiirarka barxadda ku wareegsanna, iyo saldhigyadooda, iyo musaamiirtooda iyo xadhkahooda.

38. Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.

39. Oo kulli intii reer Laawi ah ee la tiriyey, oo Muuse iyo Haaruun ay qolo qolo ugu tiriyeen amarkii Rabbiga, kuwii lab ahaa oo dhan oo bil jiray ama ka sii weynaa, waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun.

40. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Tiri curadyada labka ah oo reer binu Israa'iil oo dhan, intii bil jirta ama ka sii weyn, oo magacyadooda ku soo xisaab.

41. Oo waa inaad ii qaaddaa reer Laawi intii aad ii qaadi lahayd curadyada reer binu Israa'iil oo dhan, oo waa inaad xoolaha reer Laawina ii qaaddaa intii aad ii qaadi lahayd curadyada xoolaha reer binu Israa'iil oo dhan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

42. Markaasaa Muuse curadyadii reer binu Israa'iil oo dhan u tiriyey sidii Rabbigu ugu amray.

43. Oo curadyadii labka ahaa oo dhammu, sidii tirada magacyadoodu ahayd, intii bil jirtay ama ka sii weynayd, kuwii iyaga laga soo tiriyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo laba boqol iyo saddex iyo toddobaatan.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 3