Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 28:10-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

10. Kaasu waa qurbaanka la gubo oo sabtida, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.

11. Oo bilowga bilihiinnana waa inaad Rabbiga qurbaan la gubo ugu bixisaan laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

12. oo eefaah bur ah toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan dibi kasta, oo eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay labadiis meelood oo saliid lagu daray waa inaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan wanka weyn.

13. Oo wan kasta oo yarna waxaad qurbaan hadhuudh ula bixisaan eefaah bur ah oo toban meelood loo dhigay meeshiis oo saliid lagu daray, kaasoo wada ah qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah oo Rabbiga dab loogu sameeyo.

14. Oo qurbaannadooda cabniinkuna waa inay ahaadaan hiin nuskeed khamri ah dibigiiba, iyo hiin saddex daloolkeed oo wanka weyn la socdaa, iyo hiin rubuceed oo wanka yar la socdaa. Intaasu waa qurbaanka la gubo oo ay tahay inaad bixisaan bil kasta bilaha sannaddii oo dhan.

15. Oo waa inaad orgi Rabbiga ugu bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinku ku jirin.

16. Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.

17. Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.

18. Oo maalinta kowaadna waa in la yeesho shir quduus ah. Idinku waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn,

19. laakiinse waa inaad bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaas oo ah qurbaan loo gubo Rabbiga, oo ah laba dibi oo yaryar, iyo wan weyn, iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah. Waa inay idiin ahaadaan kuwa aan iin lahayn.

20. Oo qurbaankooda hadhuudhkuna wuxuu ahaan doonaa bur saliid lagu daray. Burka toban meelood loo dhigay saddexdiis meelood waa inaad dibiba la bixisaan, labadiis meeloodna wanka weyn,

21. iyo meeshiisna toddobada wan oo yaryar midkood kasta.

22. Oo waa inaad orgi qurbaan dembi u bixisaan si laydiinku kafaaro gudo.

23. Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 28