Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 23:18-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Markaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi, Baalaaq, kac oo maqal, Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.

19. Ilaah ma aha nin been sheego; Mana aha binu-aadmi qoomameeyo. Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn? Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?

20. Bal eeg, waxaa laygu amray inaan u duceeyo. Isagaa barakeeyey, anna barakadaas ma aan beddeli karo.

21. Isagu reer Yacquub dembi kuma uu arag, Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin. Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira, Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.

22. Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey, Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,

23. Hubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco, Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto, Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa, Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!

24. Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale, Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa: Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno, Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.

25. Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba.

26. Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa?

27. Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid.

28. Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa.

29. Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 23