Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 18:19-31 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

19. Oo waxyaalaha quduuska ah oo dhan qurbaannadooda sare loo qaado oo ay reer binu Israa'iil Rabbiga u bixiyaan ayaan adiga iyo wiilashaada iyo gabdhahaaga kula jooga u siiyey qayb joogto ah weligeed. Oo taasu waa axdi cusbo ah oo weligiis Rabbiga ku hor yaal, oo uu idinla dhigtay adiga iyo farcankaaga kula jiraba.

20. Markaasaa Rabbigu Haaruun ku yidhi, Adigu dalkooda dhaxal kuma lahaan doonto, oo dhexdoodana innaba qayb kuma yeelan doonto. Aniga ayaa reer binu Israa'iil dhexdooda ku ah qaybtaadii iyo dhaxalkaagiiba.

21. Oo bal eeg, reer Laawina waxaan dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil oo dhan bixiyaan; taasu waa hawshooda ay qabtaan abaalgudkeedii, taasoo ah hawsha teendhada shirka.

22. Oo hadda ka dib waa inaan reer binu Israa'iil u soo dhowaan teendhada shirka yaanay dembi qaadine oo dhimane.

23. Laakiinse reer Laawi waa inay teendhada shirka ka adeegaan, oo ay dembigooda qaadaan: oo taasu waa inay idiin ahaataa qaynuun weligiin ab ka ab ah, oo iyagu reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma yeelan doonaan.

24. Waayo, waxaan reer Laawi dhaxal u siiyey meeltobnaadka ay reer binu Israa'iil Rabbiga ugu bixiyaan qurbaan sare loo qaado, oo sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku idhi, Reer binu Israa'iil dhexdooda dhaxal kuma lahaan doontaan.

25. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

26. Weliba waxaad la hadashaa reer Laawi oo ku tidhaahdaa, Markaad reer binu Israa'iil dhaxal uga qaadataan meeltobnaadka aan idinka siiyey, markaas waa inaad Rabbiga uga bixisaan qurbaan sare loo qaado, oo ah meeltobnaadka meeltobnaadkiisa.

27. Oo qurbaankiinna sare loo qaado wuxuu idiin tirsanaan doonaa sidii isagoo ah hadhuudhka meesha lagu tumo, iyo sida buuxsanaanta macsaradda canabka.

28. Oo sidaas waa inaad idinku qurbaan sare loo qaado Rabbiga uga bixisaan meeltobnaadyadiinna oo dhan oo aad ka qaadataan reer binu Israa'iil, oo waa inaad Rabbiga qurbaankiisii sare loo qaado ka siisaan wadaadka Haaruun ah.

29. Oo hadiyadaha aad heshaan oo dhanba waa inaad ka bixisaan qurbaan kasta oo Rabbiga oo sare loo qaado intooda ugu wanaagsan oo ah inta ugu wada quduusan.

30. Oo sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Markii aad sare uga qaaddaan inta ugu wanaagsan, waxaa reer Laawi loogu tirinayaa sida hadhuudhka meesha wax lagu tumo yaal iyo sida midhaha canabka oo macsaradda yaal.

31. Oo meel kastaad ku cuni doontaan idinka iyo reerihiinnuba, waayo, iyadu waa abaalgudkiinna aad ka heshaan hawsha aad ka qabataan teendhada shirka.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 18