Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 17:1-6 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

2. Reer binu Israa'iil la hadal, oo iyaga ulo ka qaad. Qabiil kastaba ul ka qaad; amiirradooda oo dhan sida ay qabiilooyinkoodu kala yihiin laba iyo toban ulood ka kala qaad. Oo nin walba magiciisa ushiisa ku qor.

3. Usha reer Laawi waxaad ku qortaa magaca Haaruun. Qabiilooyinkooda madaxdooda mid kastaaba waa inuu ul lahaadaa.

4. Oo waa inaad iyaga hor dhigtaa maragga teendhada shirka ku yaal, taasoo ah meesha aan idinkula kulmo.

5. Oo markaas ninkii aan doorto ushiisu way magooli doontaa, oo anna hortayda waan ka joojin doonaa gunuuska ay reer binu Israa'iil adiga kuu gunuusaan.

6. Markaasaa Muuse reer binu Israa'iil la hadlay, oo amiirradoodii oo dhammu waxay isagii siiyeen ulo, oo amiir kastaaba mid buu siiyey siday qabiilooyinkoodu ahaayeen, intaasu waxay ahayd laba iyo toban ulood; oo ushii Haaruunna ulahooday ku dhex jirtay.

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 17