Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Tirintii 14:12-15 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. Haddaba iyagaan belaayo ku dhufan doonaa, oo waan dhaxal tiri doonaa, oo waxaan kaa samayn doonaa quruun iyaga ka weyn oo ka sii xoog badan.

13. Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, De taas waxaa maqli doona Masriyiintii, waayo, dadka itaalkaagaad iyaga kaga soo dhex bixisay.

14. Oo iyana waxay u sheegi doonaan dadka dalkan deggan. Iyagu waxay maqleen inaad dadkan dhex joogto, Rabbiyow, waayo, Rabbiyow, fool ka fool baa laguu arkay oo daruurtaadii baa iyaga kor taagan, oo maalintii waad ku hor kacdaa tiir daruur ah, habeenkiina tiir dab ah.

15. Haddaba haddaad dadkan sidii nin keliya u disho, quruumihii warkaaga maqlay way hadli doonaan, oo waxay odhan doonaan,

akhri dhamaystiran cutubka Tirintii 14