Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 32:4-17 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

4. Sidaas aawadeed waxaa isu soo ururay dad badan, wayna wada awdeen ilihii biyaha ahaa oo dhan iyo durdurkii waddanka dhex mari jiray, oo waxay isyidhaahdeen, Bal boqorrada dalka Ashuur intay yimaadaan maxay biyo badan u helayaan?

5. Markaasuu isdhiirrigeliyey, oo dhisay derbigii dunsanaa oo dhan, oo kor u gaadhsiiyey tan iyo munaaradihii, wuxuuna dhisay derbi kaloo dibadda ah, oo xoogeeyey Millo oo ku dhex tiil magaaladii Daa'uud, oo sameeyey hub dagaal iyo gaashaammo faro badan.

6. Oo taladii dadkana wuu u dhiibay saraakiil dagaalka yaqaan, oo dhammaantoodna wuxuu ku soo wada urursaday meeshii bannaanayd oo magaalada iriddeeda u dhowayd, wuuna dhiirrigeliyey oo ku yidhi,

7. Xoog yeesha oo aad u dhiirranaada, ha ka cabsanina, hana ka qalbi jabina boqorka Ashuur ama ciidanka faraha badan oo isaga la socda, maxaa yeelay, waxaa inala jira kuwa ka badan kuwa isaga la jira.

8. Isaga waxaa la jira binu-aadmi, laakiinse innaga waxaa inala jira oo ina caawiya oo dagaalladeenna inoo dirira Rabbiga Ilaaheenna ah. Oo dadkiina waxay isku halleeyeen erayadii Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.

9. Oo waxyaalahaas dabadood ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur joogay Laakiish horteeda oo xooggiisii oo dhammuna wuu la jiray, oo wuxuu addoommadiisii u soo diray Yeruusaalem ilaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo ilaa dadkii Yahuudah oo Yeruusaalem joogay oo dhan, oo wuxuu ku yidhi,

10. Anoo ah Seenxeeriib oo ah boqorkii Ashuur waxaan idinku leeyahay, Qalcadda Yeruusaalem waa idinka ku sii jiree bal yaad isku hallaynaysaan?

11. War sow Xisqiyaah idinma sasabin si aad gaajo iyo harraad ugu dhimataan, isagoo leh, Rabbiga Ilaaheenna ah ayaa inaga samatabbixin doona gacanta boqorka Ashuur?

12. War Xisqiyaahaasu sow ma ahaa kii wada baabbi'iyey meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba, oo dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalemna sow kuma uu amrin oo kuma odhan, Idinku waa inaad meel allabari oo keliya horteeda Ilaah ku caabuddaan, oo isla taas korkeedana waa inaad fooxa ku shiddaan?

13. War miyeydaan ka war qabin aniga iyo awowayaashayba wixii aan ku samaynay dadyowga dalalka deggan oo dhan? War quruumaha dalalka deggan ilaahyadoodu miyey sinaba u awoodeen inay dalkooda gacantayda ka samatabbixiyaan?

14. Oo quruumihii awowayaashay ay wada baabbi'iyeen ilaahyadoodii oo dhan kee baa awooday inuu dadkiisii gacantayda ka samatabbixiyo? Haddaba Ilaahiinnu sidee buu u awoodaa inuu gacantayda idinka samatabbixiyo?

15. Haddaba sidaas daraaddeed Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn oo yuusan sidan idiin sasabin, hana rumaysanina, waayo, innaba ma jirin quruun ama boqortooyo ilaaheedu awooday inuu dadkiisa ka samatabbixiyo gacantayda iyo gacantii awowayaashay toona, haddaba ilaahiinna sidee buu gacantayda idiinka samatabbixin doonaa?

16. Oo addoommadiisiina waxay ku sii hadleen war badan oo ka gees ah Rabbiga Ilaaha ah iyo addoonkiisa Xisqiyaah ahba.

17. Oo weliba wuxuu kaloo qoray warqado uu ku caayayo oo wax kaga sheegayo Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo wuxuu yidhi, Dalalka quruumaha deggan ilaahyadoodii oo dadkoodii gacantayda ka samatabbixin waayay sidoodii oo kalaa Ilaaha Xisqiyaahna dadkiisa gacantayda uga samatabbixin waayi doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 32