Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Labaad 25:21-28 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

21. Markaasuu Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.

22. Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

23. Oo Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, kaasoo ahaa ina Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem u soo kaxeeyey ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.

24. Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan, iyo weelashii guriga Ilaah laga helay oo Cobeed Edoom la yiil oo dhan, iyo khasnadiihii guriga boqorka, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

25. Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu noolaa shan iyo toban sannadood oo ka dambaysay dhimashadii Yoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.

26. Haddaba Amasyaah falimihiisii kale, kuwii hore iyo kuwii dambeba, sow kuma qorna kitaabkii boqorradii dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil?

27. Haddaba Amasyaah markuu gees uga leexday Rabbiga lasocodkiisii dabadeed shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.

28. Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay magaaladii dalka Yahuudah.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Labaad 25