Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 7:7-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

7. Wiilashii Belacna waxay ahaayeen Esboon, iyo Cusii, iyo Cusii'eel, iyo Yeriimood, iyo Ciirii, oo ahaa shan, oo reerahoodana madax bay u ahaayeen, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo abtiriskoodana waa la tiriyey, oo waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun iyo afar iyo soddon nin.

8. Wiilashii Bekerna waxay ahaayeen Semiiraah, iyo Yoo'aash, iyo Eliiceser, iyo Eliyooceenay, iyo Comrii, iyo Yereemood, iyo Abiiyaah, iyo Canaatood, iyo Calemed. Oo intaas oo dhammu waxay wada ahaayeen wiilashii Beker.

9. Oo iyaga sidii abtiriskoodii ahaa waa loo tiriyey iyo sidii ay u kala dhasheen, oo waxay ahaayeen madaxdii reerahooda oo ah rag xoog badan, tiradooduna waxay ahayd labaatan kun iyo laba boqol.

10. Farcankii Yediica'eelna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo wiilashii Bilhaan oo ahaa Yecuush iyo Benyaamiin, iyo Eehuud, iyo Kenacanaah, iyo Seetaan, iyo Tarshiish, iyo Axiishaxar.

11. Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen farcankii Yediica'eel sidii ay ahaayeen madaxdii reerahoodu, rag xoog badan bayna ahaayeen, oo intoodii dagaal aawadiis ciidanka u geli kartay waxay ahaayeen toddoba iyo toban kun iyo laba boqol,

12. iyo weliba Shufiim iyo Xufiim oo ahaa wiilashii Ciir, iyo Xushiim oo ahaa ina Axeer.

13. Wiilashii Naftaalina waxay ahaayeen Yaxsii'eel, iyo Guunii, iyo Yeser, iyo Shalluum, oo intaasu waxay ahaayeen wiilashii Bilhah.

14. Wiilashii Manasehna waxay ahaayeen Casrii'eel, oo ay naagtiisii dhashay: (oo naagtiisii addoonta ahaydna waxay u dhashay Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis,

15. Maakiirna wuxuu guursaday walaashii Xufiim iyo Shufiim, oo magaceedana waxaa la odhan jiray Macakaah, ) oo wiilkii labaad magiciisana waxaa la odhan jiray Selaafexaad, oo Selaafexaadna wuxuu lahaa gabdho.

16. Oo Macakaah oo ahayd Maakiir naagtiisiina waxay dhashay wiil, oo magiciisiina waxay u bixisay Feresh, oo walaalkiis magiciisana waxaa la odhan jiray Shereesh, wiilashiisiina waxay ahaayeen Uulaam iyo Raaqem.

17. Ina Uulaamna wuxuu ahaa Bedaan. Kuwaasu waxay ahaayeen wiilashii Gilecaad oo ahaa ina Maakiir, oo ka sii ahaa ina Manaseh.

18. Oo walaashiis Hammolekedna waxay dhashay Iishood, iyo Abiiceser, iyo Maxlaah.

19. Wiilashii Shemiidaacna waxay ahaayeen Axyaan, iyo Shekem, iyo Liqxii, iyo Aniicaam.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 7