Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 6:51-67 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

51. oo isna dhalay Buqii, oo isna dhalay Cusii, oo isna dhalay Seraxyaah,

52. oo isna dhalay Meraayood, oo isna dhalay Amaryaah, oo isna dhalay Axiituub,

53. oo isna dhalay Saadooq, oo isna dhalay Axiimacas.

54. Haddaba kuwanu waa meelahoodii ay degi jireen iyo sidii degmooyinkoodu ahaayeen kuwaasoo ku dhex yiil soohdimahooda. Reer Haaruun oo ah qolooyinka reer Qohaad, oo saamiga kowaad lahaa,

55. waxaa la siiyey Xebroon oo ku dhex tiil dalka reer Yahuudah, iyo agagaarkeedii ku wareegsanaa oo dhanba.

56. Laakiinse magaalada beeraheedii iyo tuulooyinkeediiba waxaa la siiyey Kaaleeb oo ahaa ina Yefunneh.

57. Reer Haaruunna waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka oo ah Xebroon, iyo Libnaah iyo weliba agagaarkeed, iyo Yatiir, iyo Eshtemooca iyo agagaarkeedii,

58. iyo Xiileen iyo agagaarkeedii, iyo Debiir iyo agagaarkeedii,

59. iyo Caashaan iyo agagaarkeedii, iyo Beytshemesh iyo agagaarkeedii.

60. Oo dalkii qabiilka reer Benyaamiinna waxaa laga siiyey Gebac iyo agagaarkeedii, iyo Calemed iyo agagaarkeedii, iyo Canaatood iyo agagaarkeedii. Oo kulli magaalooyinkoodii oo qolooyinkooda oo dhan ku dhex yiil waxay ahaayeen saddex iyo toban magaalo.

61. Oo reer Qohaad intiisii hadhayna waxaa saami loo siiyey toban magaalo oo ay ka dhex heleen reerka qabiilka iyo qabiilka badhkiisii, kaasoo ah qabiilkii reer Manaseh badhkiis.

62. Oo reer Gershoomna sidii ay reerahoodu ahaayeen ayay saddex iyo toban magaalo uga heleen qabiilka reer Isaakaar, iyo qabiilka reer Aasheer, iyo qabiilka reer Naftaali, iyo qabiilka reer Manaseh oo Baashaan dhex deggan.

63. Oo reer Meraarii waxaa saami loogu siiyey siday reerahoodu ahaayeen laba iyo toban magaalo oo ay ka dhex heleen qabiilka reer Ruubeen, iyo qabiilka reer Gaad, iyo qabiilka reer Sebulun.

64. Oo reer binu Israa'iilna waxay reer Laawi siiyeen magaalooyinkii iyo agagaarkoodii oo dhan.

65. Oo saami ahaan ayay magaalooyinkan la magacaabay uga siiyeen qabiilka reer Yahuudah, iyo qabiilka reer Simecoon, iyo qabiilka reer Benyaamiin.

66. Reerihii Qohaad qaarkoodna waxay magaalooyin ku lahaayeen meelo soohdintooda ah oo ay ka heleen qabiilka reer Efrayim.

67. Oo iyaga waxaa la siiyey magaalooyinkii magangalka, oo waxayna ahaayeen Shekem oo ku dhex tiil dalka buuraha leh oo reer Efrayim iyo agagaarkeedii, iyo weliba Geser iyo agagaarkeedii,

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 6