Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 6:27-38 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. oo isna dhalay Elii'aab, oo isna dhalay Yeroxaam, oo isna dhalay Elqaanaah.

28. Wiilashii Samuu'eelna waxay ahaayeen curadkiisii oo ahaa Yoo'eel, iyo kii labaad oo ahaa Abiiyaah.

29. Farcankii Meraariina wuxuu ahaa Maxlii, oo dhalay Libnii, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Cuusaah,

30. oo isna dhalay Shimcaa, oo isna dhalay Xaggiyaah, oo isna dhalay Casaayaah.

31. Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed.

32. Oo iyagu taambuugga teendhadii shirka horteeda ayay gabay kaga adeegi jireen, ilaa Sulaymaan uu Yeruusaalem ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, oo iyana hawshooda waxay u qaban jireen siday u kala horhorreeyeen.

33. Oo intanu waa kuwii adeegi jiray iyo wiilashoodii. Kuwii ka mid ahaa reer Qohaad waxay ahaayeen Heemaan oo gabayaa ahaa, ina Yoo'eel, ina Samuu'eel,

34. ina Elqaanaah, ina Yeroxaam, ina Elii'eel, ina Too'ax,

35. ina Suuf, ina Elqaanaah, ina Maxad, ina Camaasay,

36. ina Elqaanaah, ina Yoo'eel, ina Casaryaah, ina Sefanyaah,

37. ina Taxad, ina Asiir, ina Ebiyaasaaf, ina Qorax,

38. ina Isehaar, ina Qohaad, ina Laawi, ina Israa'iil.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 6