Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 6:22-33 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

22. Qohaadna waxaa ka soo farcamay wiilkiisii Cammiinaadaab, oo dhalay Qorax, oo isna dhalay Asiir,

23. oo isna dhalay Elqaanaah, oo isna dhalay Ebiyaasaaf, oo isna dhalay Asiir,

24. oo isna dhalay Taxad, oo isna dhalay Uurii'eel, oo isna dhalay Cusiyaah, oo isna dhalay Shaa'uul.

25. Wiilashii Elqaanaahna waxay ahaayeen Camaasay iyo Axiimood.

26. Oo xagga Elqaanaahna waxaa ka soo farcamay Soofay, oo dhalay Nahad,

27. oo isna dhalay Elii'aab, oo isna dhalay Yeroxaam, oo isna dhalay Elqaanaah.

28. Wiilashii Samuu'eelna waxay ahaayeen curadkiisii oo ahaa Yoo'eel, iyo kii labaad oo ahaa Abiiyaah.

29. Farcankii Meraariina wuxuu ahaa Maxlii, oo dhalay Libnii, oo isna dhalay Shimcii, oo isna dhalay Cuusaah,

30. oo isna dhalay Shimcaa, oo isna dhalay Xaggiyaah, oo isna dhalay Casaayaah.

31. Kuwanuna waa kuwii Daa'uud u sarraysiiyey hawshii gabayga oo gurigii Rabbiga ku dhex jirtay markii sanduuqii axdiga meeshaas la dhigay dabadeed.

32. Oo iyagu taambuugga teendhadii shirka horteeda ayay gabay kaga adeegi jireen, ilaa Sulaymaan uu Yeruusaalem ka dhex dhisay gurigii Rabbiga, oo iyana hawshooda waxay u qaban jireen siday u kala horhorreeyeen.

33. Oo intanu waa kuwii adeegi jiray iyo wiilashoodii. Kuwii ka mid ahaa reer Qohaad waxay ahaayeen Heemaan oo gabayaa ahaa, ina Yoo'eel, ina Samuu'eel,

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 6