Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 24:12-29 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

12. kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,

13. kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,

14. kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,

15. kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,

16. kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,

17. kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,

18. kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.

19. Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.

20. Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.

21. Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.

22. Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.

23. Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.

24. Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.

25. Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.

26. Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.

27. Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.

28. Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.

29. Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 24