Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 22:11-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Haddaba wiilkaygiiyow, Rabbigu ha kula jiro, oo u barwaaqow, oo gurigii Rabbiga Ilaahaaga ah u dhis siduu kaaga hadlay.

12. Oo Rabbigu ha ku siiyo xigmad iyo waxgarasho, oo amarka reer binu Israa'iilna ha kuu dhiibo si aad u dhawrtid sharciga Rabbiga Ilaahaaga ah.

13. Markaas waad barwaaqoobi doontaa haddaad dhawrto oo yeesho qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbigu Muuse ku amray oo uu reer binu Israa'iil ugu soo dhiibay; xoog yeelo, oo aad u dhiirranow, ha cabsan, hana qalbi jabin.

14. Haddaba bal eeg, anoo dhibaataysan waxaan guriga Rabbiga u diyaarshay boqol kun oo talanti oo dahab ah, iyo kun kun oo talanti oo lacag ah, iyo naxaas iyo bir aan miisaan lahayn, waayo, aad bay u badan yihiin, oo weliba waxaan kaloo diyaariyey alwaax iyo dhagxan, oo adiguna intaas wax baad ku sii dari karaysaa.

15. Oo weliba waxaa kula jira rag shaqaale ah oo faro badan, kuwaasoo ah kuwa qora oo ka shaqeeya dhagxanta iyo alwaaxdaba, iyo rag kasta oo yaqaan sanco kasta,

16. oo ah tan dahabka, iyo tan lacagta, iyo tan naxaasta, iyo tan birta, iyagu tiro ma leh, haddaba kac oo shaqee, oo Rabbiguna ha kula jiro.

17. Oo haddana Daa'uud wuxuu amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan ku amray inay caawiyaan wiilkiisa Sulaymaan.

18. Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War sow Rabbiga Ilaahiinna ahu idinlama jiro? Oo sow dhan kastaba nasasho idinkama siin? Waayo, dadyowgii dalka degganaa oo dhan ayuu soo geliyey gacantayda, oo dalkiina waxaa lagu jebshay Rabbiga iyo dadkiisa hortooda.

19. Haddaba qalbigiinna iyo naftiinna u jeediya inaad Rabbiga Ilaahiinna ah doondoontaan, oo sidaas daraaddeed kaca oo dhisa meesha quduuska ah oo Rabbiga Ilaahiinna ah, in sanduuqii axdiga Rabbiga iyo weelashii Ilaah oo quduuska ahaa la soo geliyo guriga loo dhisayo magaca Rabbiga.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 22