Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 19:6-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

6. Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayaa Xaanuun iyo reer Cammoon sii dhiibeen kun talanti oo lacag ah inay gaadhifardood iyo rag fardooley ah kaga soo kiraystaan Mesobotamiya, iyo Aram Macakaah, iyo Soobaah.

7. Sidaasay u soo kiraysteen laba iyo soddon kun oo gaadhifaras, iyo boqorkii Macakaah iyo dadkiisii, kuwaasoo yimid oo Meedebaa horteeda degay. Oo reer Cammoonna waxay iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii, oo dagaal bay u soo baxeen.

8. Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

9. Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen magaalada iriddeeda, oo boqorradii yimidna duurkay keli ahaantood joogeen.

10. Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba, ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan.

11. Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo iyana waxay isu soo diyaariyeen inay reer Cammoon la dagaallamaan.

12. Oo wuxuu walaalkiis ku yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan ku soo caawin doonaa.

13. Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood, oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.

14. Sidaas daraaddeed Yoo'aab iyo dadkii la jirayba waxay ugu soo dhowaadeen inay la dagaallamaan reer Suuriya, oo iyana markaasay hortiisa ka carareen.

15. Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.

16. Oo reer Suuriya markay arkeen in iyaga looga adkaaday reer binu Israa'iil hortooda ayay wargeeyayaal u direen oo soo kaxeeyeen reer Suuriyihii Webiga ka shisheeyey, iyagoo uu madax u yahay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka Hadarceser.

17. Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen.

18. Oo reer Suuriyana way ka carareen reer binu Israa'iil hortooda. Daa'uudna wuxuu reer Suuriya ka laayay toddoba kun oo gaadhifaras raggoodii, iyo afartan kun oo nin oo lug ah, oo wuxuu dilay Shoofag oo ahaa sirkaalkii ciidanka.

19. Oo markii Hadarceser addoommadiisii arkeen in reer binu Israa'iil hortooda looga adkaaday ayay la nabdeen Daa'uud, wayna u adeegeen, oo reer Suuriyana way diideen inay mar dambe reer Cammoon caawiyaan.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 19