Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 18:1-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay oo jebiyey, oo Gad iyo magaalooyinkeediiba gacantii reer Falastiin wuu ka qaaday.

2. Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.

3. Oo ilaa Xamaad Daa'uud wuxuu dilayay boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, intuu ku socday inuu dowladnimadiisa ku ag dhiso Webi Yufraad.

4. Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun gaadhifaras, iyo toddoba kun oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah, oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse boqol gaadhifaras buu uga reebay.

5. Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, Daa'uud wuxuu iyagii ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin.

6. Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.

7. Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 18