Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 1:33-47 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

33. Wiilashii Midyaanna waxay ahaayeen Ceefah, iyo Ceefer, iyo Xanoog, iyo Abiidac, iyo Eldacah. Kuwanu waxay wada ahaayeen Qetuurah wiilasheedii.

34. Ibraahimna wuxuu dhalay Isxaaq. Wiilashii Isxaaqna waxay ahaayeen Ceesaw iyo Israa'iil.

35. Wiilashii Ceesawna waxay ahaayeen Eliifas, iyo Recuu'eel, iyo Yecuush, iyo Yaclaam, iyo Qorax.

36. Wiilashii Eliifasna waxay ahaayeen Teemaan, iyo Oomaar, iyo Sefii, iyo Gactaam, iyo Qenas, iyo Timnac, iyo Camaaleq.

37. Wiilashii Recuu'eelna waxay ahaayeen Nahad, iyo Serax, iyo Shammah, iyo Misaah.

38. Wiilashii Seciirna waxay ahaayeen Lootaan, iyo Shoobaal, iyo Sibecoon, iyo Canah, iyo Dishon, iyo Eeser, iyo Diishaan.

39. Wiilashii Lootaanna waxay ahaayeen Xori iyo Hoomaam, oo Timnacna waxay ahayd Lootaan walaashiis.

40. Wiilashii Shoobaalna waxay ahaayeen Calyaan, iyo Maanahad, iyo Ceebaal, iyo Shefii, iyo Oonaam. Wiilashii Sibecoonna waxay ahaayeen Ayah, iyo Canah.

41. Wiilashii Canahna waxay ahaayeen Dishon. Wiilashii Dishonna waxay ahaayeen Xamraan, iyo Eshbaan, iyo Yitraan, iyo Keraan.

42. Wiilashii Eeserna waxay ahaayeen Bilhaan, iyo Sacwaan, iyo Yacaqaan. Wiilashii Diishaanna waxay ahaayeen Cuus iyo Araan.

43. Haddaba kuwanu waa boqorradii u talin jiray dalka reer Edom, intaan boqorna u talin reer binu Israa'iil, Belac ina Becoor, oo magaaladiisana magaceeda waxaa la odhan jiray Dinhaabah.

44. Markaasaa Belac dhintay oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Yoobaab ina Serax oo reer Bosraah ahaa.

45. Markaasaa Yoobaab dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Xushaam oo ka yimid dalka reer Teemaan.

46. Markaasaa Xushaam dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Hadad ina Bedad, kaasoo Midyaan ku dilay beertii Moo'aab dhexdeeda, oo magaaladiisa magaceedana waxaa la odhan jiray Cawiid.

47. Markaasaa Hadad dhintay, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday Samlah oo ahaa reer Masreqah.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 1