Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Taariikhdii Kowaad 1:18-32 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

18. Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.

19. Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

20. Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

21. iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,

22. iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,

23. iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

24. Sheem, Arfaksad, Sheelaah,

25. Ceeber, Feleg, Recu,

26. Seruug, Naaxoor, Terax,

27. Aabraam (kaasoo ah Ibraahim).

28. Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.

29. Oo intanu waa qarniyadoodii, Ismaaciil curadkiisii wuxuu ahaa, Nebayod, dabadeedna wuxuu dhalay Qedaar, iyo Adbe'el, iyo Mibsam,

30. iyo Mishmaac, iyo Duumah, iyo Masa,

31. iyo Hadad, iyo Teemaa, iyo Yetuur, iyo Naafiish, iyo Qedemah. Kuwanu waa wiilashii Ismaaciil.

32. Oo kuwanuna waa wiilashii Qetuurah, taas oo ahayd Ibraahim naagtiisii addoonta ahayd. Iyadu waxay dhashay Simraan, iyo Yoqshaan, iyo Medaan, iyo Midyaan, iyo Yishbaaq, iyo Shuu'ah. Yoqshaan wiilashiisiina waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan.

akhri dhamaystiran cutubka Taariikhdii Kowaad 1