Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 27:16-19 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

16. Inkaaru ha ku dhacdo kii aabbihiis ama hooyadiis fududaysta. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

17. Inkaaru ha ku dhacdo kii soohdinta deriskiisa durkiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

18. Inkaaru ha ku dhacdo kii qof indha la' jidka ka habaabiya. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

19. Inkaaru ha ku dhacdo kii qalloociya garta qariibka iyo agoonta iyo carmalka. Oo dadka oo dhammuna ha yidhaahdeen, Aamiin.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 27