Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 14:11-23 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

11. Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

12. Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

13. iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

14. iyo cayn kasta oo tuke ah,

15. iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag ah,

16. iyo guumaysta yar, iyo guumaysta weyn, iyo guumaysgeesaleyda,

17. iyo cantalyaaga, iyo gorgorka, iyo xeebajoogta,

18. iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta.

19. Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.

20. Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

21. Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.

22. Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.

23. Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 14