Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Sharciga Kunoqoshadiisa 13:8-18 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

8. kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga,

9. laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen.

10. Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

11. Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

12. Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan,

13. iyadoo la leeyahay, Dad waxmatarayaal ah baa dhexdiinna ka baxay oo waxay jiiteen dadkii magaaladooda degganaa, iyagoo leh, Ina keena oo aynu u adeegno ilaahyo kale, kuwaasoo aydaan aqoon,

14. markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey,

15. markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya.

16. Oo alaabteeda dhaca ah oo dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono.

17. Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo,

18. markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.

akhri dhamaystiran cutubka Sharciga Kunoqoshadiisa 13