Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 3:27-39 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

27. Oo markuu Abneer ku soo noqday Xebroon ayaa Yoo'aab gees ula baxay oo iridda la dhex galay si uu ula faqo, markaasuu caloosha ka dooxay si uu u dhinto, maxaa yeelay, dhiiggii walaalkiis Casaaheel ayuu daadshay.

28. Dabadeedna markuu Daa'uud taas maqlay ayuu yidhi, Aniga iyo boqortooyadayda midna eed kuma lahayn Rabbiga hortiisa xagga dhiigga Abneer ina Neer.

29. Yoo'aab madaxiisa ha saarnaado, iyo reerka aabbihiis, oo reer Yoo'aabna yaan laga waayin mid cudur dheecaan leh qaba, iyo mid baras qaba, iyo mid ul ku tukubaya, iyo mid seef lagu dilo, ama mid cunto la'.

30. Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon.

31. Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii.

32. Oo Abneer waxaa lagu aasay Xebroon, boqorkiina codkiisii kor buu u qaaday, oo qabrigii Abneer ku dul ooyay; oo dadkii oo dhammuna way wada ooyeen.

33. Oo boqorkiina wuxuu u baroortay Abneer, oo yidhi, Miyey habboon tahay in Abneer u dhinto sida nacas u dhinto oo kale?

34. Gacmahaagu ma xidhnayn, cagahaaguna ma dabranayn, Sida nin ugu dhaco dad dembi leh hortooda ayaad u dhacday. Markaasaa dadkii oo dhammu mar kale u ooyay isagii.

35. Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.

36. Markaasaa dadkii oo dhammu taas u fiirsadeen, wayna la wanaagsanayd, oo wax alla wixii boqorku sameeyey ayaa la wanaagsanaa dadkii oo dhan.

37. Sidaasay dadkii oo dhan iyo reer binu Israa'iil oo dhammu maalintaas u garteen inuusan boqorku doonaynin in Abneer oo ahaa ina Neer la dilo.

38. Oo boqorkii wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn maanta inuu reer binu Israa'iil ku dhex dhintay amiir iyo nin weyn?

39. Oo anigu maanta in kastoo lay boqray, waan taag yarahay; oo nimankan ay Seruuyaah dhashay ayaa iga xoog badan. Kii shar sameeya Rabbigu ha ugu abaalgudo sida sharkiisu yahay.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 3