Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 3:2-8 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Oo Daa'uudna wiilal baa ugu dhashay Xebroon. Curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo waxaa dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel.

3. Wiilkiisii labaadna wuxuu ahaa Kile'aab, oo waxaa dhashay Abiigayil oo u dhaxday Naabaal kii reer Karmel. Kan saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo waxaa dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii.

4. Kan afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo waxaa dhashay Xaggiid. Kan shanaadna wuxuu ahaa Shefatyaah oo waxaa dhashay Abiital.

5. Kan lixaadna wuxuu ahaa Yitrecaam, oo waxaa dhashay Ceglaah oo Daa'uud u dhaxday. Intaasu waxay Daa'uud ugu dhasheen Xebroon.

6. Intii ay reer Saa'uul iyo reer Daa'uud dagaallamayeen ayaa Abneer aad ugu xoogaystay reerkii Saa'uul.

7. Haddaba Saa'uul wuxuu lahaa naag addoon ah oo magaceedana la odhan jiray Risfaah, waxayna ahayd ina Ayah; oo Iishboshed wuxuu Abneer ku yidhi, War maxaad ugu tagtay addoontii aabbahay?

8. Markaasaa Abneer aad ugu cadhooday erayadii Iishboshed, oo wuxuu yidhi, Anigu ma waxaan ahay madax eey oo reer Yahuudah leeyihiin? Bal maanta raxmad baan tusayaa reerkii aabbahaa Saa'uul, iyo walaalihiis, iyo saaxiibbadiis, oo adigana kuuma aan gacangelin Daa'uud, oo weliba maanta waxaad igu eedaynaysaa wax ku saabsan naagtan.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 3