Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 23:2-7 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

2. Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.

3. Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,

4. Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.

5. Sida runta ah reerkaygu xagga Ilaah saas kuma aha; Laakiinse axdi aan weligiis dhammaanayn ayuu ila dhigtay, Oo wax kastaba wuu hagaajiyey, wuuna adkeeyey; Oo in kastoo uusan soo bixin weliba waa badbaadadayda oo dhan iyo doonistayda oo dhanba.

6. Laakiinse kuwa waxmatarayaasha ah dhammaantood waxay noqonayaan sidii qodxanta layska tuuro, Waayo, iyaga gacanta laguma qaadi karo;

7. Laakiinse ninkii iyaga taabta Waa in hub looga dhigaa bir iyo waran samaydiisa; Oo iyana dhammaantood meeshoodaa lagu gubi doonaa.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 23