Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 23:1-4 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Haddaba erayadanu waa kuwii ugu dambeeyey oo Daa'uud. Daa'uud ina Yesay wuxuu leeyahay, Ninkii kor loo qaadayna wuxuu leeyahay, Kaasoo ah kii Ilaaha Yacquub subkay, Ee ugu sabuur macaan reer binu Israa'iil oo dhan:

2. Rabbiga ruuxiisii baa iga dhex hadlay, Oo eraygiisiina carrabkayguu saarnaa.

3. Ilaaha reer binu Israa'iil baa yidhi, Oo Dhagaxii weynaa ee reer binu Israa'iil ayaa ila hadlay, isagoo leh, Waxaa jiri doona mid dadka si xaq ah ugu taliya, Oo Ilaah cabsidiisa wax ku xukuma,

4. Kaasu wuxuu ahaan doonaa sida iftiinka subaxdii, marka qorraxdu soo baxdo, Iyo sida aroor aan cadar ahayn; Markuu doog jilicsanu dhulka ka soo baxo, Oo uu bayaan u dhalaalayo roobka dabadiis.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 23