Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 22:25-42 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

25. Sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu iigu abaalguday sidii ay xaqnimadaydii ahayd; Iyo sidii nadiifsanaantaydii ay ku ahayd indhihiisa hortooda.

26. Kii naxariis leh waad u naxariisanaysaa, Oo ninkii qummanna waad u qummanaanaysaa.

27. Kii daahir ahna daahir baad u ahaanaysaa. Oo kii qalloocanna mid maroorsan baad u ahaanaysaa.

28. Oo dadka dhibaataysanna waad badbaadinaysaa; Laakiinse indhahaagu way arkaan kuwa kibirsan inaad hoos u dejiso.

29. Waayo, Rabbiyow, waxaad tahay laambaddayda; Oo Rabbiga ayaa gudcurkayga iftiiminaya.

30. Oo adaan col kuugu dhex ordaa, Oo Ilaahay caawimaaddiisa ayaan derbi kaga boodaa.

31. Ilaah jidkiisu waa qumman yahay; Rabbiga eraygiisuna waa mid la tijaabiyey; Oo isagu wuxuu gaashaan u yahay kuwa isku halleeya oo dhan.

32. Bal yaa Ilaah ah, Rabbiga mooyaane? Oo bal yaa dhagax weyn ah, Ilaahayaga mooyaane?

33. Ilaah waa qalcaddayda xoogga badan; Oo isagu wuxuu hoggaamiyaa kuwa jidkiisa ku qumman.

34. Isagu cagahayga wuxuu ka dhigaa sida cagaha deerada, Oo wuxuu igu fadhiisiyaa meelahayga sarsare.

35. Gacmahaygana wuxuu baraa dagaalka; Oo sidaas daraaddeed gacmahaygu waxay xoodaan qaanso naxaas ah.

36. Weliba waxaad kaloo i siisay gaashaankii badbaadadaada; Oo roonaantaada ayaa i weynaysay;

37. Adigu tallaabooyinkayga ayaad ku ballaadhisay hoostayda, Oo cagahayguna ma ay simbiriirixan.

38. Anigu waxaan eryaday cadaawayaashaydii, oo waan baabbi'iyey; Dibna ugama soo noqon jeeray wada baabbe'een.

39. Oo iyagaan baabbi'iyey, waanan wada laayay, si aanay mar dambe u awoodin inay soo sara kacaan, Oo cagahaygay ku soo hoos dhaceen.

40. Waayo, xoog baad iigu guntisay dagaalka aawadiis; Oo kuwii igu kacayna hoostaydaad ku soo tuurtay.

41. Oo cadaawayaashaydiina waxaad ka dhigtay inay dhabarka ii jeediyaan, Si aan u kala gooyo kuwa i neceb.

42. Wax bay fiirsadeen, laakiinse way waayeen mid iyaga badbaadiya; Oo xataa Rabbiga way baryeen, laakiinse uma uu jawaabin.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 22