Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Labaad 2:17-22 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

17. Oo dagaalkiina aad buu u kululaaday maalintaas; oo waxaa laga adkaaday Abneer, iyo raggii reer binu Israa'iil, waxaana ka reeyey addoommadii Daa'uud.

18. Oo saddexdii wiil ee ay Seruuyaah dhashay halkaas ayay wada joogeen, kuwaasoo ahaa Yoo'aab iyo Abiishay iyo Casaaheel. Casaaheelna wuxuu u cago fududaa sida cawsha duurka.

19. Markaasaa Casaaheel wuxuu eryaday Abneer, oo intuu Abneer eryanayayna uma uu leexan midig iyo bidix toona.

20. Markaasaa Abneer gadaashiisa dhugtay, oo wuxuu yidhi, War ma adigii baa, Casaaheelow? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waa anigii.

21. Markaasaa Abneer wuxuu ku yidhi, War midigta ama bidixda u leexo, oo ragga dhallinyarada ah midkood qabso, oo ka soo qaado hubkiisa dagaalka. Laakiinse Casaaheel wuu diiday inuu isaga ka leexdo.

22. Markaasaa Abneer haddana Casaaheel ku yidhi, War ha i eryane, gees iiga leexo; maxaan dhulka kuugu dhufanayaa? Haddaba sidee baan wejiga u siin karayaa walaalkaa Yoo'aab?

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Labaad 2