Axdiga Hore

Axdiga Cusub

Samuu'eel Kowaad 4:1-5 Kitaabka Quduuska Ah (KQA)

1. Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan. Oo reer binu Israa'iilna waxay u soo baxeen inay reer Falastiin la diriraan, oo waxay soo ag degeen Ebenceser; reer Falastiinna waxay soo degeen Afeeq.

2. Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin.

3. Oo markay dadkii xeradii yimaadeen ayay odayaashii reer binu Israa'iil yidhaahdeen, Maanta maxaa Rabbigu inoogu laayay reer Falastiin hortooda? Haddaba sanduuqii axdiga Rabbiga aynu Shiiloh ka soo qaadanno oo dhexdeenna ha yimaado, inuu inaga badbaadiyo gacanta cadaawayaasheenna.

4. Sidaas daraaddeed dadkii waxay u cid direen Shiiloh, oo waxay halkaas ka keeneen sanduuqii axdiga Rabbiga Ciidammada oo ku fadhiya Keruubiimta dushooda, oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas iyana halkaasay la joogeen sanduuqa axdiga Ilaah.

5. Oo markii sanduuqii axdiga Rabbigu soo galay xeradii ayaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ku qayliyeen qaylo weyn ee dhulku la gariiray.

akhri dhamaystiran cutubka Samuu'eel Kowaad 4